Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya oo gaaray dalka Koonfur Africa

by admin | Thursday, Jun 11, 2015

K/Africa : HN :–Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya,Mudane Cabdisalaan Hadliye Cumar ayaa gaaray Magaalada Johannseburg ee Dalka K/Afrika si uu ugu qeybgalo Shir madaxeedka 42 aad ee Ururka Midowga Afrika oo sanadkan lagu qabanayo Dalkaasi.

Wasiirka ayaa waxaa Garoonka Diyaaraha magaalada Johannseburg kusoo dhaweeyay Madaxda Safaaradda Soomaaliyeed ee Dalkan waxaana uuna ka qeybgalayaa  Shirka Wasiirada Arimaha dhadliyeibadda Qaaradda Afrika kaasoo horudhac u ah Shir madaxeedka Ururka Midowga Afrika oo sanadkan ay martagalinayso K/Afrika.

Wasiirka oo warbaahinta la hadllay ayaa sheegay marka laga tago Shirka guud ee Wasiiradaha Arimaha Dibadda ee Afrika inuu la kulmi doono Dhigiisa Dalkan si ay ugu wada hadlaan arimo muhiim u ah labada Dal Soomaaliya iyo K/Afrika oo xiriirkooda wanaagsanyahay,waxa uu yiri”

“Waxaan salaam weyn u diraya Jaaliyadda joogta South Africa mana moogin dhibaatada ay ku wada suganyihiin,waxaan rabnaa inaan dadka Soomaalida la kulano ka tacsiyayno dadkii dhintay Dowladda South Afrika kala hadalno dhibaatada Soomaalida loo geystay waxaa muhiim ah in la ogaado dadka Soomaalida inayna  dad halkaan u soo shaqo tagay  laakin ay yihiin dad dhaqaalaha wax ku kordhinaaya oo lacagtooda galinaya Wadanka South Afrika.

Shirkan ayaa gogol xaar u ah Shir todobaadkan lagu qabanayo Magaalada Johanseburg oo ay kasoo qeybgali doonaan Madaxweynaayasha Dalalka Afrika iyadoo la filayo in Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu qeyb ka noqdo Madaxdaasi.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!