Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya oo la kulmay mas’uuliyiin ka tirsan UNHCR

by admin | Thursday, Mar 5, 2015

Muqdisho : HN :–Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Abdusalam Hadliye Omer ayaa maanta ku qaabilay Xafiiskiisa Alessandra Morelli oo ah Wakiilka hey’adda Qaramada Midoobey ee arrimaha Qaxootiga (UNHCR) u qaabilsan Soomaaliya , oo ay ka wada hadleen kaalinta hey’adaasi ay ka qaadato arrimaha qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool wadamada Kenya , Ethiopia , Djibouti iyo Yemen .

Dr. Abdusalam Hadliye Omer ayaa sheegay in Soomaaliya ay hiigsaneyso sidii ay u soo ceshan laheyd kaalintii ay ku laheyd gobolka346x231xDSC_8158.jpg.pagespeed.ic.ABAdJcwGl5 bariga Afrika , si ay u noqoto dowlad nabadda iyo deganaanshaha ku caan ah , kana maran loolan dhiig ku daato iyo dagaalo sokeeye .

Alessandra Morelli ayaa dhankeeda sheegtay in kaalmooyin samafal ay gaarsiiyaan qaxootiga Soomaaliyeed , si loo yareeyo dhibaatooyinka ku heysta dalalka shisheeye .

Kulankani oo ku dhammaaday jawi isfaham leh , ayaa waxaa goob joog ka ahaa qaar ka mid ah La taliyeyaasha Xafiiska Wasiirka .

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!