Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya oo la kulmay wafdi ka socday WFP

by admin | Wednesday, Mar 4, 2015

Muqdisho : HN :–Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Dr. C/salaan Hadliye Cumar ayaa maanta ku qaabilay Xafiiskiisa agaasimaha Barnaamijka Cunnadda Adduunka ee WFP u qaabilsan Soomaaliya Laurent Bukera oo ay ka wada hadleen xaaladda cunna yari ee heysata barakacayaasha iyo dib u dejin loo sameeyo dadka saameyntu ku yeeshay colaadaha sokeeye ee dib uga soo cusboonaaday qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya .

Dr. C/salaan Hadliye Cumar ayaa muujiyay in Soomaaliya oo guda-gashay xilliga jiilaalka ay aad ugu baahi qabto gargaarIMG_0606 bani’aadanimo si looga hortago dhibaatooyin bani’aadanimo oo hor leh , iyadoo xilliyadii ugu dambeeyay roobku ahaa mid aad u yar , taasoo sabab u noqotay in hoos u dhaco wax soo saarka beeraha.

Laurent Bukera ayaa dhankiisa balan-qaaday inay kaalin balaaran ka qaadan doonaan fidinta gurmad degdeg ah oo cunno si looga gaashaanto gaajo iyo nafaqa darro ku dhacda haweenka , caruurta iyo dadka da’da ah.

Xilligan oo la galay jiilaalka ayaa gobolada qaar waxaa laga soo sheegayaa roob la’aan, taasoo keeni karta inay ka dhashaan xaalado bani’aadanimo, gaar ahaan cuna yari iyo biyo la’aan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!