Wasiirka arrimaha dibada oo la kulmay sii hayaha safaarada Uganda ee Soomaaliya

by admin | Sunday, Apr 5, 2015

Muqdisho : HN :– Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Dr. Abdusalam Hadliye Omer ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Siihayaha Safaaradda Jamhuuriyadda Uganda ee Soomaaliya Maj. Gen. Nathan Mugisha oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dhinacyada badan leh ee labada dal ka dhaxeeya .

Kulanka ayaa si gaar ah lagu falan-qeeyay horumarinta xiriirka diblomaasiyadda iyo iskaashiga ammaan ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Uganda , iyadoo la ogsoon yahay in dowladda Uganda ay kaalin firfircoon oo muuqata ay ku leedahay howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ( AMISOM) oo ah howlgal loogu saldhigayo nabadda iyo deganaanshaha dalka Soomaaliya.IMG_1689

Dr. Abdusalam H. Omer ayaa bogaadiyay xiriirka Soomaaliya kala dhaxeeya Uganda, isagoo xusay in Soomaaliya ay ka soo kabaneyso xilliyo adag oo ay soo martay , ayna hiigsaneyso nabad , horumar dhaqaale iyo maalgashi .

Kulankani oo ay goob joog ka ahaayeen saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ayaa ku dhammaaday jawi isfaham leh.

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations
Follow us on Twitter and Connect to our Facebook page

https://www.twitter.com/mofasomalia
https://www.facebook.com/mofa.somalia

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!