Wasiirka arrimaha gudaha” Ahlu Sunna qeyb ayeey ka noqoneysa dhismaha maamulka G/dhexe

by admin | Sunday, Jun 14, 2015

Cadaado : HN :–Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) oo ku sugan magaaladda Cadaado ayaa sheegay in shirka dhismaha maamulka Gobolladda Dhexe uu meel wanaagsan marayo, islamarkaana todobaadkan lagu jiro la ansixin doono dastuurka Maamulka Gobollada Dhexe, lana soo xuli doono xubnihii baarlamaanka dowlad gobolleedka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa sidoo kale timaamay in ay jiraan wada- hadallo ay la wadaan Ahlu Sunna Wal-jamaaca odawaa2si ay qeyb uga noqdaan geedi – socodka nabadda iyo dhismaha Dowlad Gobolleedka Galgaduud iyo Mudug. Wasiirka ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay in dhismaha maamulka Gobollada Dhexe yahay mid ay u wada dhanyihiin dhammaan bulshadda labada gobol, isla markaana kuna salaysan hanaan wadatashi iyo is-qancin.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa uga mahad-celiyey siyaasiyiinta, odayaasha, haweenka, dhallinyaradda iyo dhammaan wax – garadka Gobollada Dhexe sida ay uga go’an tahay dedejinta iyo ka miro-dhallinta dhismaha maamulka.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!