Wasiirka arrimaha gudaha oo booqday madasha lagu qabanayo shirka dhismaha M gobollada dhexe

by admin | Monday, Apr 13, 2015

Muqdisho : HN :–Wasiirka wasaarrada arrimaha gudaha iyo federaalka xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Xusseen Odawaa, oo ku sugan magaalada Cadaado ayaa booqasho ku tagay goobaha uu maamulka Ximan iyo Xeeb u diyaariyay shirka lugu dhimayo maamulka gobollada dhexe.

Wasiirka ayaa siddoo kale u kuur-gallay xaalada nabad-galyo ee guud ahaan magaalada Cadaado, isaga oo ku soo wareegay qeybaha kala duwan ee magaalada

Madaxweynaha maamulka Ximin iyo Xeeb C/llaahi Cali Max’ed Baarleex oo wasiirrka ku wehlinayay kormeerkiisa ayaa ku wareejiyayshi xarunta loogu talagalay in lagu qabto shirka.

Madaxweynaha Maamulka Ximan iyo Xeeb Cabdullaahi Cali Maxamed Baarleex ayaa Wasiirka uga warbixiyay xarunta oo uu sheegay intahay qeyb ka mid ah halka loogu talagalay in ay ku shiraan ergada ka qeyb qaadaneysa dhismaha maamulka Gobollada dhexe ee dalka.

“Xarunta aad arkeyso Wasiir waxa ay ka koobantahay labo hool, Masjid lagu cibaadeysto, goobo ay dadku ku shaahiyeyn karaan iyo mid kale oo ay ku jimicsan karaan, sida garoonka kubadda cagta lagu cayaaro, dadka deegaanka ayaa isku howlay in Walaalahood ay wax la qeybsadaan oo ay ka shaqeeyaan dhismaha Maamulka, ,” ayuu yiri Cabdullaahi Baarleex.

Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa tilmaamay in xarunta ay tahay mid si weyn looga shaqeeyay in ergooyinka ay degaan, isla markaana shirka lagu qabto.

“Waxaa ii suura gashay in aan kormeer ku sameeyo goobaha ay ergadu degayaan, Hoeteelada laga hirgeliyay magaalada iyo xarunta shirka loogu talagalay in lagu qabto, runtii halkaan diyaar garow fiican ayaa iiga muuqda, sidoo kale waxaa halkaan laga hirgeliyay goobo loogu talagalay in lagu xaliyo khilaafaadyada, inta uu shirka socdo” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha gudaha.

Ugu dambeyn,wasiirka waxa uu sidoo kale kormeeray goobaha ganacsiga ee magaalada, halkaasi oo uu ka dukaameystay, isagoo mid mid u xogwareystay xaaladaha amni iyo tan ganacsi ee ka jirta magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!