Wasiirka arrimaha gudaha oo gaaray magaalada Cadaado

by admin | Tuesday, May 12, 2015

Cadaado : HN :–Wafdi uu horkacayo wasiirrka wasaarrada arrimaha gudaha iyo federaalka xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Max’ed Xusseen Odawaa ayaa maanta gaaray magaalada Cadaado ee gobolka Galguduud.

Waftiga ayaa markii ay ka soo dageen madaarka Cadaado waxaa ku qaabilay Madaxwayne Ku xigeenka Maamulka Ximan iyo Xeeb Cabdi Maxamed Suldaan ( Cabdi kuus)Gudoomiyaha Gobolka galgaduud Xuseen Cali Wehliyay (Cirfo) iyo xubno ka socday maamulka Ximan iyo Xeeb waxaana loo soo galbiyay xarunta madaxtooyada.

Waftiga ayaa kulan kula qaatay Xarunta mataxtooyada Xubnaha Gudiga farsamada maamul u samaynta gobolada dhexe.odawwww

Kulanka kadib waxaa si wadajira ula hadlay saxaafada Madaxwaynaha Maamulka Ximan iyo xeeb, Godoomiyaha Gudiga farsamada , iyo wasiirka Arimaha gudamada ee dowladda Federaalka Mudane, Odawaa.

Mas’uuliyiinta ayaa  sidoo kale waxaa ay kormeer ku tageen Xarunta kafaaalo waxaana ay kalkaasi kula kulmeen xubno ka tirsan odayaasha soo xulaya ergooyinka ka qaybta ah shirka lagu samaynayo maamulka Mudug iyo galgaduud waxaana wasiirka iyo waftigiisu ay ka xogwaraysteen halka ay u marayso soo xulista ergooyinka beelaha.

Hiiraan net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!