Wasiirka arrimaha gudaha oo ka cudur-daartay in uu hortago baarlamaanka

by admin | Wednesday, May 20, 2015

Muqdisho : HN :–Wasiirka arrimaha gudaha Somalia C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) oo lagu waday inuu hortago baarlamanka Soomaaliya maanta oo Arbaco ah ayaa ka baaqday, iyadoo guddoonku uu sheegay in 72-saac uu wasiirku ku horyimaado Baarlamananka.

Pro Max’ed Cismaan Jawaari guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo kulanka shir-guddoominayay ayaa xildhibaannada u sheegay in Wasiirku uu Codsaday in dib loo dhigo xilliga imaanshihiisa Baarlamaanka sida uu qabo Xeer-hoosaadkan ayna kordhiyeen xilliga uu Horimaanayo xildhibaannada Golaha Shacabka.

“Markii aan shalay go’aanka gaarnay Wasiirka warqad ayaanu u qornay, Wuxuuna kusoo jawaabay inaanu xilligan imaan karin, Odawaa_Wasiirka_Arrimaha_Gudaha_Somalialooguna daro muddo 72-saac, Waanan ugu darnay,” ayuu yiri Jawaari oo xildhibaannada la hadlay.

Wasiirka ayaa wax laga Weydiinayaa Mooshin ay Xubno ka Tirsan Baarlmaaanka Somalia ka keeneen Golaha Wakiillada Jubbaland, kaasoo ay ku dhaliileen Hannaanka lagu loo soo xulay inuu yahay mid aan waafaqsanayn qaab awood-qaybsiga Jubbooyinka.

Intaas kaddib xildhibaannadii mooshinka ka keenay Baarlamaanka Jubbland ayaa dalbaday in mooshinkooda cod la geliyo, inkastoo ay taasi suuro-gal noqon wayday, kaddib markii xildhibaannada ku sugnaa kulanka oo tiradoodu ahayd 151 mudane ay noqdeen 105 keliya.

Ugu dambeyn, Jawaari ayaa xiritaankii kulanka ka sheegay in xildhibaannada jooga aysan ahayn kooram cod lagu qaadi karo, sidaa daraadeedna ay dib u dhigeen illaa Sabtida nagu soo fool leh cod u qaadista mooshinka ka dhanka ah baarlamaanka maamulka Jubbaland.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!