Wasiirka arrimaha gudaha oo ku baaqay in la joojiyo dagaallada gobolka Galguduud

by admin | Saturday, Dec 13, 2014

Muqdisho : HN :– C/llaahi Goodax Barre sii hayaha xilka wasaarrada arrimaha gudaha iyo federaalka ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalada ka soo cusboonaaday Gobolka Galgaduud, kaasoo shalay iyo maanta ka dhacay degmooyinka Dhuusa Mareeb iyo Guriceel.

“Waxaan rabnaa inaan Baaq nabadeed u soo jeedino dhinacyada dagaalamaya, Soomaaliya wey ka daashay dagaal, colaadii xoogeedana wey istaagtay, waa nasiib daro in maanta ay colaad cusub ka bilaabato Galgaduud”ayuu yiri  wasiirka Arrimaha Gudaha.

Wasiirrka ayaa sheegay in ay ku howlan yihiin diyaarinta howlihii maamul u sameynta Gobolada dhexe, isagoo cadeeyay inay meelgodax wanaagsan marayaan howsha maamulka loogu sameynayo.

“Maanta ma qaadan karno colaad cusub hada bilaabato, dadka walaalaha maanta colaada dhex martay waxaa codsaneynaa oo aan u soo jeedineynaa daruufta inay fiiriyaan oo ay colaadaas damiyaaan”ayuu yiri Sii hayaha Wasiirka Arrimaha Gudaha.

Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay Odayaasha iyo waxgaradka deegaanka inay u istaagaan sidii ay u kala dhex geli lahaayeen colaadaas, isla markaana ay kala tashadaan maamulada halkaas ka jira, si loo joojiyo dagaalka.

Dagaaladii maanta ka dhacay Dhuusa Mareeb ayaa ciidamada dowladda ay kula wareegeen degmada Dhuusa Mareeb, iyadoo dagaalka uu saaka bilowday markii ciidanka Ahlusuna ay weerareen fariisin ay ciidamada dowladda ku lahaayeen xerada 21aad.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!