Wasiirka arrimaha gudaha oo sheegay in maamulka Jubba uu ku talaabsaday hormar ballaaran

by admin | Tuesday, Mar 24, 2015

Kismaayo : HN :–Wasiirrka wasaarada arrimaha gudaha iyo federaalka xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Maxmed Xuseen Odawaa oo shalay gaaray magaalada Kismaayo ayaa sheegay in maamulka Jubbaland uu gaaray horumar ballaaran.

Odawaa oo ay waheliyeen mas’uuliyin kale oo ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo,waxuuna la shiray madaxda maamulka Jubbaland oo u ugu horreeyo Axmed Madoobe.

Wasiirka oo saxaafadda Kismaayo kula hadlay waxaa uu sheegay in uu Kismaayo booqanayo markii ugu horreeyso,isagoona intaodawaa raaciyay magaalada inay ka gudbayso bur burkii soo gaaray dhowr iyo labatankii sanno ee ugu dambeysay.

“Waan ammaanaya madaxda iyo jubbaland,waayo waxaa muuqata horumarka ay gaareen iyo iftiinka Kismaayo,waana arrin mudan in lugu aammaano,”ayuu yiri wasiir Odawaa.

Waa markii ugu horreeysay oo u wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya booqdo magaalada Kismaayo,sida uu sheegay,waxaana lugu wadaa inuu halka ku sugnaado,isagoo shirar ku qaadanaya.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!