Ergooyinka ka qeybgalaya shirka maamulka gobolada dhexe oo leeysla meel dhigay

by admin | Thursday, Apr 23, 2015

Muqdisho: HN: — Kadib muddo todobaad ah tan iyo intii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu magaalada Cadaado ka furey shirka maamul u sameynta gobolada dhexe ayaa waxaa la’isla afgartay jadwalkii shaqo ee uu shirka ku socon lahaa.

Kulamo gaargaar ah oo ay lahaayeen illaa 5 wasiir oo ka socda dowladda federaalka, saxiixayaasha shirka, odayaasha dhaqanka iyo waliba xildhibaanada federaalka ayaa waxaa ugu dambeyntii maanta oo khamiis ah la’isla saxiixay geeddi socodka shirka iyo qaabka loo wajahayo.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Cabdiraxmaan Odowaa oo warbaahinta kula hadlay xarunta madaxtooyada Ximan iyo Xeeb oo uu shirka ka furmey ayaa sheegey in la’isla afgartay in ergada shirka ay noqoto 350 xubnood, soona xulaan odayaasha dhaqanka kuwaasi oo lasoo xareyn doono todobaad kadib.

Waxa kale oo uu sheegey in la’isku afgartay in gabi ahaanba hawsha shirka looga dambeeyo guddiga farsamada shirka.

Wasiirka ma uusan bixin faahfaahin dheeraad ah, hase yeeshee illo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegey in kaalinta wasiirada ay noqon doonto in ay xaliyaan wixii khilaaf ah ee ka yimaada xagga ergada iyo shirkaba, iyada oo lala kaashanayo saxiixayaasha ay arrinta quseyso iyo xildhibaanada federaalka.

Waxaa kale oo moowduuc ahaa saxiixayaasha musharixiinta ah oo iyaga la’isku heystey arrinkooda kadib markii musharixiin kale ay codsadeen in aysan caddaalad ahayn in ay shirka maamulaan, islamarkaasina musharixiin ahaadaan.

Ururka Ahlu Sunnah Wal Jamaaca ayaa iyaga arrintooda laga shanqariyey, waxaana la sheegey in qoondo gaar ah loo qoondeeyey, balse la xusuusiyey in ay jiraan garabyo kala duwan iyo beelo kala duwan oo ururkani ku wada jira, sidaasi darteedna ay iyaga soo qeybsadaan si xaq ah xubnaha ergada laga siinayo.

Inkasta oo uusan wasiirka shaacin, hadane illo wareedyada waxa ay sheegayaan in madaxweynaha uu baarlamaanka soo dooran doono, taasi oo ka badalan sidii lagu dhisey maamulada kale ee dalka ka jira sida Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Wararka dheeraadka ah ee aan helney waxa ay sheegayaan in ku talogalka xagga miisaaniyadda shirka ay markii hore ahayd 200 ergo oo kaliya, maadaamaa hadda laga hadlayo 350 ergo, waxaa loo baahanayaa miisaaniyad ka badan, waxaana codsi loo gudbiyey Qaramada Midoobey oo iyadu bixineysa inta badan qarashka shirka.

Heshiiskii Geeddi Socodka Shirka ee maanta waxaa goobjoog ka ahaa ku xigeenka ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, iyo wakiil ka socdey IGAD oo ah dublamaasi Itoobiya ah.

Wasiiradda dowladda federaalka ayaa iyagu dhankooda balanqaaday in aysan farogalin doonin arrimaha shirka, dhexdhexaadna ka noqon doonaan, kaliyana kaalintooda ay tahay in ay xaliyaan wixii khilaaf ah, waxaase taasi ka duwan wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka oo iyadu leh shaqada hagista shirka dastuuriyan.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!