Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya oo la kulmay dhigiisa Turkiga

by admin | Wednesday, Mar 4, 2015

Istanbul : HN :–Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa kula kulmay magaalada Istanbul dhigiisa dalka Turkiga Efkan Ala, iyagoo ka wada hadlay arrimaha iskaashiga labada wasaaradood, tayeynta Hey’adaha iyo maamulka Wasaaradda Gudaha.

Labada Wasiir ayaa si faah faahsan uga hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga iyo in la dadajiyo dhammaan ballan-qaadyadii Madaxweynaha Turkiga u sameeyey Soomaaliya ee ku aaddanaa hirgalinta mashaariic horumar leh oo laga fulinayo Muqdisho.

Sidoo kale wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa uga mahad celiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Turkiga Efkan Ala soo labada-wasiir-3dhoweynta uu u sameeyey iyo sida dowladdiisu u garab taagan tahay Soomaaliya, isagoo ballan-qaaday in laga faa’ideysan doono dhammaan mashaariicda Turkiga Soomaaliya uu talagalay.

C/raxmaan Odawaa ayaa hogaaminayay Wafdigii dowladda Soomaaliya ee wada hadaladii bur buray ee Istanbul ku dhex mari lahaa Dowladda Soomaaliya iyo Somaliland, waxaana maanta la filayaa inay dib ugu soo laabtaan Muqdisho.

Turkiga ayaa ah dowladda kaliya ee sida tooska ah u taageerta dowladda Soomaaliya, waxayna mashaariic kala duwan horay uga fulisay magaalada Muqdisho.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!