Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya oo Roma uga qeyb-gallaya shir looga hadlayo soo-galootiga

by admin | Friday, Nov 28, 2014

Roma : HN :– Wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa magaalada Roma ee dalka Talyaaniga uga qeyb galay shir heer caalami ah oo looga hadlayay dhibaatooyinka ay la kulmaan dadka sida sharci-darrada ah ku gala qaaradda Yurub.

Shirka oo uu soo qaban-qaabiyay midowga yurub ayaa diiradda lagu saaray xal u helidda dhibaatooyinka ay la kulmaan dadka qaaraddaBeyle-iyo-Gentiloni Yurub gala iyagoo maraya badda Mediterranean-ka kana imaanaya qaaradda Afrika si ay nolol wanaagsan iyo shaqooyin u helaan.

Dhinaca kale, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa xalay la kulmay dhiggiisa dalka Talyaaniga Paolo Gentiloni oo ay ka wadahadleen xoojinta iskaashiga iyo xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal iyo sidii loo kordhin lahaa taageerada ay dowladda Talyaaniga siiso Soomaaliya.

Wasiirka ayaa la filayaa in uu kulan la qaato jaaliyadda Soomaalida ee ku nool dalka Talyaaniga, oo kala hadlli doono xaalada dalka Soomaaliya .

Hiiraan net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!