Wasiirka caafimaadka oo safarka ku tagtay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha dhexe

by admin | Wednesday, Apr 1, 2015

Jowhar : HN :–Wasiiradda wasaarrada caafimaadka dowladda Soomaaliya  Xaawo Maxamed Xasan iyo wafdi ay hoggaaminayso oo ka socotay dowlada Qadar ayaa maanta gaaray degmada Jowhar ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Xubnaha wafdigan ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay garoonka kubbada cagta ee Jowhar oo ay geysay diyaarad kuwa qummaatiga u kaca ah waxayna kulan la yeesheen madaxda maamulka gobolka iyo kan degmada.

Sidoo kale, wasiiradda ayaa sheegtay in ujeedadda booqashadeeda ay tahay sidii ay ugu kuurgeli lahayn xaaladda caafimaad ee gobolka Shabeellada dhexe ka jirta.

Wafdigan ayaa waxaa ka mid ah mas’uuliyiin ka socotay xukuumadda Qadar iyo hay’ada Qadar Charity oo uu hoggaaminayay Ibraahin201541635634659916176893Wafdi_Gaaray_Jowhar_Somalia (1) Cali.

Mas’uulka Qatar Charity, Ibraahin Cali ayaa isna sheegay in mashaariic kala gedisan ay ka hirgelinayaan gobolka, isla markaana ay mashaariicdaas oo dhinaca horimarinta bulshada ah ay ku bixin doonto hal malyan oo doollar.

Dhanka kale, guddoomiyaha gobolka Shabeellada dhexe, Cali Guud-laawe ayaa sheegay inuu kusoo dhoweynayo wafdigan heerka wasiir ah Jowhar uuna ku faraxsan yahay in Jowhar oo ah magaalo nabadeed ay wafdigan soo booqdaan.

Ugu dambeyn, wafdiga gaaray degmada Jowhar ayaa ah wafdigii ugu heerka sarreeyay ee ka socda dowladda Somalia oo soo gaara magaaladaas muddo dhowr bilood ah gudahood.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!