Wasiirka cusub ee wasaarrada Cadaallada Puntland oo xilka loo dhaariyay

by admin | Monday, Jun 22, 2015

Garoowe : HN :–Wasiirka cusub ee wasaarrada cadaallada iyo Diinta maamul gobolleedka Puntland Saalax Xabiib Xaaji Jaamac ayaa maanta lagu dhaariyay xafiiska  madaxweynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ee aqalka Madaxtooyada Puntland ee Garoowe.saalx

Garsoore Aadan Cumar Maxamed oo katirsan Maxkamadda sare ee Puntland ayaa wasiirka cusub ee Wasaaradda Cadaaladda Puntland mudane Saalax Xabiib Xaaji Jaamac u dhaariyey xilka loo dhiibay .

Dhaarta kadib ayaa madaxweynuhu waxaa Alle uga baryey wasiirka cusub iyo wasiirada kalaba in xilkooda uu u fududeeyo, isagoona kula dardaarmay in su hufan oo daacadnimo ku dheehantahay ugutaan waajibaadka shaqo ee horyaala.

Wasiirka cusub ee cadaaladda Diinta iyo dhaqan celinta Puntland Saalax Xabiib ayaa lagu wadaa in uu si rasmi ah xilka ula wareego, si uu u sii ambaqaado howlaha muhiimka ah ee ay wasaaraddu wado.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!