Wasiirka difaaca oo kulan la yeeshay saraakiil ka socta midowga Yurub

by wadani | Saturday, Dec 5, 2015

Muqdisho : HN :–Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini, Wasiir ku-xigeenka  Wasaaradda Cabdalla Xuseen Cali, Abaanduulaha Ciidanka xoogga iyo saraakiil kale ayaa maanta kulan la qaatay saraakiil ka socday  Midowga Yurub, waxayna iska xog wareysteen howlaha ciidamada xoogga dalka Somaaliyeed iyo halka ay marayaan howlgallada dalka looga xoreynayo argagixisada Al-Shabaab.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay sidii midowga yurub uu u xoojin lahaa taageerada uu siinayo ciidanka xoogga dalka iyo sidii uu gacan uga geysan lahaa howl galada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Taliyaha ciidanka Midowga Yurub ayaa tilmaamay inay ka go’antahay xoojinta taageerada ay siinayaan ciidammadasarakil-yurub-1 xoogga dalka Soomaaliyeed, isagoo ku aamaanay dowladda dadaallada ku aadan dib u dhiska ciidanka.

Wasiir Diini ayaa hoosta ka xariiqay in taageerada Midowga Yurub ee Soomaaliya aan la iloobi Karin, waxaana uu intaa ku daray in saraakiisha Midowga Yurub ay balan qaadeen wax u qabashada ciidamada xoogga dalka.

Ugu danbeyntii, saraakiisha y maanta kulanka la qaateen Wasiirka iyo mas’uuliyiin kale ee Wasaaradda ayaa ahaa kuwa ka socday dalalka Spain, Sweden, Talyaaniga iyo saraakiil kale, waxaana ay u yimaadeen inay wax ka ogaadaan qaabka ay u shaqeeyaan ciidamada xoogga dalka oo tababar ka hela Midowga Yurub.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!