Wasiirka difaaca”ciidammada waxaa laga doonayaa in ay ilaaliyaan sharafta iyo hantida dad-weynaha

by admin | Wednesday, Mar 4, 2015

Guri-ceel : HN :– Wasiirrka wasaarrada difaaca xukuumada Soomaaliya Jen C/qaadir Sheekh Cali Diini oo ku sugan degmada Guri-ceel ayaa kula dar-daarmay ciidammada xoogga dalka ee ku sugan dulleedka degmada in ay ka fogaadaan wax kasta oo xumeyn kara sumcada ciidammada.

Wasiirrka ayaa ugu horeyn la kulmay saraakiisha ciidamada ee qeybta 21-aad, isagoo kala hadlay sidii loo dhamayn lahaa dagaalladii dhawaan ka dhacay deegaanka, isla markaana shacabkii magaalada ka qaxay dib loogu soo celin lahaa, waxana ay balan qaadeen in ay ka go’an tahay dhinacooda in xal loo helo dhibaatada.

Taliyaha Qeybta 21-aad ee Ciidamadda Xogga dalka Soomaaliyeed Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaale) oo goobta ka hadlay ayaa IMG_7595xusay mar walba in ay u taagan yihiin soo celinta sharafta iyo haybadda qaranka Soomaaliyeed, isla markaana ay diyaar u yihiin dhinacooda wax walba oo xal loogu heli karo dhibaatooyinka deegaanka ka taagan.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya Gen. C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa yiri “Waa inaad illaalisaan Nafta Sharafka, iyo Hantida ummadda, kana difaacdaan dalka caddowga, uuna ugu horeeyo caddowga al shabaab, oo aad muujisaan isku duubni iyo wadaninimo”.

“Ciidanka Soomaaliyeed gobol kasta oo uu joogo waa isku hal hadaf, waana inay dalka ka xoreeyaan caddowga, ayna difaacaan Qaranimada iyo xaduududaha dalka Soomaaliya, waxaana la idinka doonayaa in aydaan ka leexan hadafkaas” ayuu yiri ugu dambeyntiina Wasiirka Difaaca.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!