Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada, Jangili oo sheegay inuu badqabo

by admin | Friday, Feb 20, 2015

Muqdisho; HN;- Wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista hawada ee Xukuumada Soomaaliya cali jaamac Jangeli oo la hadlay Idaacada VOA laanteeda Afka Soomaaliga ayaa sheegay inuu Caafimaad qabo isla markaana uu soo gaaray dhaawac fudud qaraxii maanta ka dhacay Hotelka Central ee Magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in xaaladiisa Caafimaad ay tahay mid wanaagsan isla markaana Shacabka Soomaaliyeed uu u sheegayo inuu Caafimaad qabo oo u soo gaaray dhaawac fudud.

Waxa uu intaasi ku daray in iminka u ku jiro mid ka mid ah Isbitaalada ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa lagu waramayaa in uu goor dhaw uu weerar ismiidaamin ah ku qaaday mid ka mid ah hoteellada ugu caansan magaalada Muqdish ooo lagu magacaabo hoteel Central oo ku yaala degmada Xamar weyne ee magaalada Muqdisho.

Xiligan qaraxyada lagu soo beegay ayaa aheyd xilligii Salaadii khudbada ee Jimcaha, lamana oga ilaa iyo hada khasaaraha uu geystay, hase ahaatee gawaarida gurmadka deg dega ayaa goobta qaraxyadu ka dhaceen ku qul qulayay.

“Mas’uuliyiinta ku dhintay weerarradan waxay kala yihiin; xildhibaan Cumar Cali Nuur (Cumar Furdug), xildhibaan Maxamed Ducaale Muuse (Xaaji Kafee) iyo guddoomiye ku xigeenkii dhanka siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Aadan Guuleed (Caago-geel),” ayuu yiri Maxamed Yuusuf Cismaan.

Waxaa kaloo jira dhaawacyo soo gaaray madax iyo shacab kale oo ku sugnaa halka qaraxu ka dhacay

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!