Wasiirka gaashaadhiga oo ka digay in la siyaasadeeyo isku dhafka ciidammada

by admin | Saturday, Jun 13, 2015

Muqdisho : HN :–Dowladda faderaalka oo kaashanaysa maamullada dalka ayaa wadda qorshe lugu doonayo in ciidamada Soomaalida lugu xoojiyo,waxaana loo bara in la isku dhafo ciidamada gobollada.

Jen C/qaadir Sheekh Cali Diini wasiirka gaashaandhiga oo ka hadlayay isku dhafka ciidamada waxuu sheegay inan la siyaasadeed xoojinta ciidamada,marka waxuu ku micneeyay inay qayb ka tahay soo celinta qaranimada Soomaaliya.

Ciidamada la isku biirinayo ee laga keenayo gobollada dalka waxuu sheegay inay-yihiin kuwo ka madax banaan siyaasada iyo is qabWasiirka-gaashandhigga-620x264 qabsiga xilligan ka dhexjira maamullada iyo dowladda dhexe.

“Siyaasad way ka badax banaan-yihiin ciidamada,mana aha xilligan oo lagu howlan yahay isku dhafka ciidamada gobollada ku sugan in la siyaasadeeyo, mar kasta ciidamada waxay ka madax banaan-yihiin is qab qabsiga siyaasada”ayuu yiri wasiirka Gaashaandhiga isagoo jooga dalka Marekanka,halka ra’iisul wasaaraha iyo madax kale oo dowladda ah aya aku waheliya.

Dowladda dhexe ayaa kula heshiisay maamullada dalka in la dhiso ciidamo isku dhaf ah kuwaaso awood u yeelan kara sugida amniga dalka oo dhan,maaddama ay ka bixi doonan dalka ciidamada nabad ilaalinta u jooga ee AMISOM.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!