Wasiirka gaashaandhiga” Ahlu Sunna waa in ay nabada ka shaqeysaa

by admin | Sunday, Jul 26, 2015

Caabud-waaq : HN :– Wasiirka wasaarrada gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya Jen C/qaadir Sheekh Cali Diini oo ku sugan magaalada Caabud-waaq ee gobolka Galguduud ayaa mar kale ugu baaqay xoogagga Ahlu Sunna in ay ka fogaadaan dagaal danbe oo gobolka ka dhaca.640x480xcaabudwaq-4.jpg.pagespeed.ic.Rq6fy98PZy

Baaqa wasiirka ayaa imanaya kaddib kulamo is daba joog ah oo saacadihii aynu soo dhaafnay uu la lahaa waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Caabud-waaq oo dhawaan ay ka dhaceen shaqaaqo u dhaxeysa maleeshiyaad kala taabacsan maamulka Galmudug iyo Ahlu Sunna.

Wasiirka ayaa sheegay in Ahlu Sunna wali dowladdu ugu baaqeyso nabad, islamarkaana looga baahan yahay in ay doorkooda qaataan, kana fogaadaan sidda uu hadalka u dhigay wax kasta oo keeni kara dagaal dhaxmara bulshada ku wadda dhaqan gobolka.

Maamulka Ahlu Sunna Waljameeca ayaa diidan dhismaha maamulka Galmudug, iyaga oo taa badalkeeda magaalad Dhuusa-mareeb uga dhawaaqay maamul ka arriminaya sidda ay hadalka u dhigeen gobollada dhexe.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!