Wasiirka gaashaandhiga DF oo ku amaanay ciidammada XDS ilaalinta xuquuqda aadanaha

by admin | Sunday, Nov 15, 2015

Muqdisho : HN :–Wasiirka gaashaandhigga Somalia, C/qaadir Sheekh Cali Diini oo kulan la qaatay u qaybsanaha arrimaha xuququl insaanka ee xog-hayaha guud ee QM, Ivan simonovic ayaa waxay kawada hadleen ka hortaga askareynta iyo u adeegsiga xaaladdaha dagaalka caruurta aan qaan-gaarin.

Jen. Diini ayaa sheegay in dawladda Somalia ay mar walba dhawrayso heshiiskii horey ay ula gashay hay’adda UNICEF ee dhigayay inaan la askareyn carruurta da’doodu ka yar tahay 18-ka sano.

Sidoo kale, wasiirka ayaa tilmaamay in ciidamadda xoogga Soomaaliya la baro dhowrista xuquuqda aadanaha waqtiyada dagaalka iyo marka ay jirto xaalad caadi ah. isagoo hoosta ka xariiqay in muddooyinkii la soo dhaafay qaybaha kala duwan ee ciidamadda tababarada ay baranayeen ugu horeysay la dhaqanka bulshada iyo dhowrista xaquuqal Insaanka.

Kulan_Wasiirka_Gaashaandhigga (1)“Waxaa xil naga saaran yahay difaaca xuquuqal-Insaanka, gaar ahaan ciidanka inaysan ka mid noqon carruurta da’da yar. Sidaad la socotaan Somalia waxay horay u saxiixday heshiis caalami ah oo dhigaya in caruurta da’doodu ay ka yar tahay 18-ka sano aan la askareyn.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. “Soomaaliya hadda waa ka gudubtay waqtigii lagu eedeyn jirey ciidamadeedu inay yihiin caruur iyo wax la mid ah. Dhawr iyo labaatan sano oo dagaallo sokeeye ay jireen, kaddib, maanta waxaan hormuud ka nahay dadka u diyaarsan dhawrista shuruucda caalamiga ah, gaar ahaan arrimaha xuquuqal insaanka.”

“Ciidamadda xoogga dalka waxaa la baraa shuruucda kala duwan ee dhowridda xaquuqal insaanka, gaar ahaan waqtiyada dagaalka sidaa la socotaan Somalia waxaa ka socda qeybo kamid ah dagaallo u dhexeeya dawladda iyo cadowga Al-shabaab oo adeeggsanaya caruur da’yar waana taa midda aan mar walba ku dhiiri gelino askarteena in ay ilaaliyaan xaquuqda dadka lagu qabto dagaalka”

Dhinaca kale, u-qeyb sanaha Xog-hayaha guud ee QM Arrimaha Xuququl insaanka Ivan simonovic ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Gaashaandhigga dhowrista xaquuqal Insaanka. Wuxuna tilmaamay in Soomaaliya ay ka soo gudbeyso waqtigii lagu tilmaami jirey mid kamid ah dalalka ugu xad gudubka badan Xaquuqal Insaanka Caalamka.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!