Wasiirka gaashaandhiga oo dalka dib ugu soo laabtay kana warbixiyay kulmo uu ka soo qeyb-gallay

by admin | Friday, May 8, 2015

Muqdisho : HN :–Wasiirka difaaca xukuumada Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo wafdi uu hoggaaminayo oo socdaal shaqo ugu maqnaa dalka Turkiga, ayaa saaka dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, waxaana soo dhoweeyay Saraakiil iyo Mas’uuliyiin.

Kulanka wasiirka gaashaandhiga ee dalka Turkiga ayaa waxaa ku wehliyay Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Jen, Dahir Aadan Cilmi (Indha-Qarshe) iyo saraakiil kale.

Wasiirka Difaaca ayaa sheegay intii uu ku sugnaa dalka Turkiga in uu kulamo la qaatay dhigiisa dalka Turkiga oo ay ka wada hadleendiini arimo badan oo muhiim ah, kuwaasoo ku saabsan arrimaha gaashaandhiga,

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay ka wada xaajoodeensidii loo dhisi lahaa ciidamada Qaranka Soomaaliyeed arintaasina ay gacan uga gaysan lahaayeen wadanka Turkiga.

Wasiirrka aya dhinaca kale sheegay in mudadii uu ku sugnaa dalka Turkiga in ay ka qeyb galeen bandhig ku saabsan qalabka difaaca, waxaana halkaas uu ka jeediyey khudbad ku aadan sida ay dowladda Soomaaliya mar walba diyaarka ugu tahay in ay sii xoojiso xiriirka soo jireenka ee ka dhexeeya labada dal.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!