Wasiirka gaashaandhiga oo gaaray degmada Guri-ceel ee gobolka Galguduud

by admin | Monday, Mar 2, 2015

Guri-ceel : HN :–Wasiirrka gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Guri-ceel oo ay ka dhaceen degaalo is xig xigay oo dhaxmaray ciidammada dowladda iyo xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca.

Wafdiga wasiirrka oo ay diyaarad ka dajisay degmada Dhuusa Mareeb ayaa safar dhinaca dhulka ah kaga ambabaxay, waxaana20152563558714419685505820150205_061528 ujeedka safarka Wasiirka lagu tilmaamay inay tahay sidii loo dhameyn lahaa xiisada ka taagan degmada iyo xalinta dagaaladii ka dhacay.

Mr Diini ayaa la kulmi doona Madax dhaqameedyada iyo odayaasha dhaqanka ee ku sugan Guriceel, iyagoo ka hadli doona sidii loo joojin lahaa dagaalka, isla markaana dadka deegaanka ee barakacay ay dib ugu soo laaban lahaayeen

Wasiirka Gaashaandhiga ayaa kulamo la qaadan doona Mas’uuliyiinta Ururka Ahlusuna ee gacanta ku haya Guriceel, isagoo kala hadli doona arrimaha colaada taagan iyo sidii heshiis loo gaari lahaa.

Sidoo kale wasiirka ayaa galabta booqan doona saldhiga ciidamada xooga dalka ku leeyihiin duleedka Guriceel.

Wafdiga Wasiirka ayaa caawa ku hoyan doona degmada Guri-ceel, waxaana la filayaa in heshiisyo laga gaaro dagaaladii ka dhacay degmadaas ee u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo Xoogaga Ahlusuna.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!