Wasiirka gaashaandhiga oo tabbar u soo xirray sarkiil ciidan

by admin | Monday, Aug 31, 2015

Muqdisho : HN :–Jen C/qaadir Sheekh Cali Diini wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa maanta xerada tababarrada ciidamada ee Jaziira Tababar ugu soo xiray ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka oo halkaas tababbar ku Qaadanayay muddo dhawr bilood ah.

Saraakiisha tababarka loo soo xirray ayaa isagu jira boolis iyo saraakiil cusub oo ka mid noqonaya ciidamada Xoogga dalka, waxana sidoo kale Munaasabadda xiritaanka tababarka ka Qayb-galay Taliyaha Ciidamadda Xoogga Somalia Jen. Daahir Aadan Cilmi, Saraakiil ka socda Midowga Yurub iyo AMISOM oo tababarka Qayb ka mid ah bixinayay.

Jen. Diini oo la hadlayay Ciidanka Booliska ee tababarka dhamaystay isagoo kula dar-daarmay inay la yimaadaan karti iyo hufnaan,

User comments

User comments

wuxuuna sheegay in booliiska ay yihiin ciidanka ugu horeeya ee laga arko dal iyo kartidiis maadaama ay iyagu u xil-saaran yihiin soo dhaweynta madaxda Somalia uga imaanaya caalamka iyo ilaalinta xarumaha Qaranka.

“Ciidamada maanta tababarka aan u soo xirnay waa ciidan aqoon iyo karti lagu soo xulay, dhamaantoodna waxay tusaale u yihiin sida ay nooga go’an tahay in aan dhisno ciidan leh muuqaal Qaran, ayna ka go’an tahay difaaca dalkooda. Waxaana sharaf u ah Dowladda Soomaaliya iyadoo taageero ka helaysa Beesha Caalamka inay soo xirto Tababarkan oo soconayay muddo afar bil ah, waxaana kalsooni buuxda ku qabnaa in ciidankan ay noqon doono kuwo sharaftii iyo kala dambeyntii Qaranka Soomaaliyeed soo celiya,” ayuu yiri Wasiir Diini.

Sidoo kale, Wasiirka Difaaca Jen. C/qaadir Sh. Cali Diini ayaa ku Bogaadiyay Saraakiisha tababarka dhameystay, wuxuuna sheegay in saraakiishu saldhigga u yihiin Aasaaska ciidan Qaran oo lagu soo xulay aqoon iyo kartidooda gaar ka ah.

Jen. Diini ayaa dhanka kale u mahad celiyay cid walba oo tababarkiinna gacan ka geystay, waxaa la idinku soo xushay ee maanta la idiin saaray mas’uuliyadaas weyn waa difaaca dalkiina Hooyo iyo inaad kusoo biirtaan ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed; isagoo xusay inay tilmaan cad u tahay sida mar walba ay nooga go’an tahay inaan dib u dhisno Ciidammo leh tayo iyo Tababar ku filan. Maanta laga billaabo waxaad tihiin saraakiil ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed, waana inay idinka muuqataa buu yiri Mas’uuliyada la idin asaray.

Ugu dambeyn, Wasiirka Difaaca Somalia ayaa wuxuu saraakiisha ku boorriyay in laga doonayo in ay si wanaagsan u Hoggaamiyaan Qaybaha lagu qoray, isagoo sidoo kale xusay in looga baahan yahay inay u diyaar garoobaan ciribtirka Al-shabaab.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!