Wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya oo gaaray magaalada Kismaayo

by admin | Monday, May 18, 2015

Kismaayo : HN :–Wasiirka wasaarrada gaashaandhiga Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

Wafdiga ayaa markii uu ka soo dagay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyaydiinii madaxweeyne kuxigeenka Jubbaland C/laahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada maamulka Jubbaland.

Kadib salaan iyo soo dhaweyn, waxaa wafdigii uu hogaaminayay wasiirka gaashaandhigga loo gelbiyay xarunta madaxtooyada Jubbaland, halkaasoo uu ku sugnaa madaxweeynaha Jubbaland Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe).

Masuuliyiintan oo warbaahinta kula hadlay gudaha madaxtooyada ayaa waxa ay sheegeen in ujeedada imaatianka wafdigan ay ugu muhiimsantahay mideynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo weliba sidii loo dhisi lahaa ciidamadii Qaranka Soomaaliyeed.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!