Wasiirka gaashaandhiga” waa la xoojinayaa awood ciidammada badda Soomaaliya

by admin | Wednesday, Apr 22, 2015

Muqdisho : HN :–Wasaaradda gaashandhiga Soomaaliya ayaa sheegtay in si gaar ah loo hormarin doono ciidammada badda Soomaaliya oo ka mid ah hay’adihii bur buray markii ay dowladda dhexe meesha ka baxday.

Soomaaliya waxaa la sheegay inay maraan badaha ama xeebta ugu dheer ee waddamada Afrika,mana jirto ciidammo gaar ah oo awood u leh inay ilaaliyaan,kana difaacan cid walba oo ku soo xad-gubta.

Waxaa la sheegay maraakib shisheeye inay sun iyo wasaq ku shubaan xeebaha Soomaaliya,halka kuwo kalana ay si sharci daro ah u gurtaan kheyradka alle ku maneystay.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, oo weheliyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Difaaca Mudanediini Cabdalla Xuseen Cali, ayaa tagay shalay xarunta ciidamadda badda Soomaaliya, taas oo ku taala dekeddii hore ee Muqdisho.

Wafdigan ayaa soo arkay xafiisyada iyo qalabka ay adegsadaan ciidanka badda,waxaan ay sheegeen ciidammada inay ka soo kabanayaan bur burkii soo gaaray.

Taliyaha Ciidamada badda dowladda federaalka Admiral Maadey Nuurey Sheekh Ufurow, ayaa warbixin ka siiyey Wasiirka doomaha iyo sida ay u shaqeeyaan, isagoo xusay in ay mar dhow bilaabi doonaan shaqooyinkii loogu talagalay.

Waxaa uu sheegay taliyaha in sanadihii ugu danbeeyay ciidamadda baddu sameynayeen horumar, hadana loo baahan yahay in kor loo qaado tirada iyo tayada ciidamadda badda, si ay ciidanku u noqdaan kuwa ay u dhameystiran yihiin adegyadii guud ee ku howl galayeen.

Ugu dambeyn,Soomaaliya ayaa ka mid ahayd dowladaha ugu xooggan Afrika ee xagga ciidammada kala duwan,balse hadda waxaa ku sugan dalka ciidammo ka socda dalalka Afrika oo ammaanka sugidiisa ka qayb-qaata.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!