Wasiirka gaashaandhiga” wey dhici kartaa in ciidammo aan ka tirsaneyn AMISOM joogaan dalka

by admin | Tuesday, Aug 18, 2015

Muqdisho : HN :– Kaddib markii uu maalintii shalay taliyaha qeybta afraad ee howlgalka AMISOM ee gobollada dhexe Col Cabdoow, sheegay in ciidammada Itoobiya ee ka howlgalaya gobolka Hiiraan ka tirsaneyn AMISOM, ayaa waxaa dhiniciisa arrintaa ka hadllay wasiirka gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya Jen C/qaadir Sheekh Cali Diini, oo sheegay in ay dhici karto in ciidammo ka baxsan kuwa AMISOM joogaan Soomaaliya, isaga oo arrintaa u qiil-sameeyay.

“Intaan ogahay way dhici kartaa in Ciidamada Itoobiya ee jooga Soomaaliya ay caawimaad weydiistaan ciidamada kale ee dalkooda,

User comments

User comments

Haddii culeys soo fuulo ciidamada kale ee u dhow meesha ay ka howl galayaan amar qaadashada ciidan walba dowladdiisa ayuu ka qaadanayaa, inuu xiriir la sameeyo waa waajib, lama dhihi karo xiriir hala yeelanin”ayuu yiri C/qaadir Diini oo la hadlayay Idaacada VOA.

Wasiirka ayaa intaa ku darray in wax badan ku jabneyn in ciidammadu is caawiyaan, islamarkaana gacan taageero isa siiyaan marka ay dareemaan culeys uga imanaya kooxaha argagixisada.

Laakiin dadka arrimaha militariga u dhuun-daloola ayaa sheegaya in haddii ay jiraan ciidammo aan AMISOM ka tirsaneyn oo howl-gal u jooga qeybo ka mid ah, taa ay noqon karto arrin dhaawici karta Qarnimada iyo madax-banaanida dalka.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!