Wasiirka gaashidhiga oo booqdanaya degmada Baardheere ee gobolka Gedo

by admin | Thursday, Aug 20, 2015

Baardheere : HN :– Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga Somalia, Jen. C/qaadir Sh. Cali Diini oo maanta Booqasho ku Tegay Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo oo dhawaan laga Qabsaday Al-Shabaab, iyagoo la kulmay Qaybaha kala duwan ee Bulshada degmadaas iyo Saraakiisha Ciidamada Dawladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, waxayna kormeer ku tageen; Buundada, Isbitaalka, Saldhigga Dhexe iyo weliba Iskuullada, wuxuuna wasiirku Xusay in degmadu ay u baahan tahay in dib loo Hawl-geliyo xarumaha dowladda iyo Adeegyada Guud ee Magaalada.

Jen. Diini ayaa ugu Baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka in ay Shacabka dhibaateysan ee Magaalada ku nool2015820635756756403354358Wasiirka_Difaaca_Somalia (9) lala soo Gaaro Gargaar Aadaminimo si wax looga qabto nolosha dadka iyadoo laga jawaabayo baahiyahooda. isagaoo u mahad-celiyay dadka deegaanka sida ay u gacan-siiyaan Ciidamada Dowladda iyo AMISOM.

“Marka hore Waxaan u Mahad-celinayaa Shacabka Baardheere, Ciidamada Qaranka iyo Saaxiibbada AMISOM oo iska kaashaday sidii ay degmada u saari lahaayeen Al-shabaab. Ciidamada keligood waxba ma qaban karaan ee waxay taageero joogta ah ka helayeen Shacabka Baardheere,” ayuu yiri Jen. Diini.

Isagoo sii hadalaya ayuu intaasku daray. “Maanta waxaan booqday goobaha Waxbarashada iyo Caafimaadka Baardheere, runtii waxaa ka muuqday daryeel la’aan iyo dib u dhac aad u weyn. Sidoo kale, dadka waxaa ka muuqda diif iyo daal ka dhashay gacantii adkayd ee ay Al-shabaab ku haysay.”

“Waxaan ugu baaqayaa Dawladda Dhexe ee Somalia iyo Beesha Caalamka inay Gar-gaar bani’aadamnimo oo degdeg ah la Gaaraan Shacabka Baardheere, Gaar ahaan Adeegyada dadweynaha sida caafimaadka, waxbarashada iyo dhismaha garoonka diyaaradaha, si loo fududeeyo Gargaarka la fidinayo, Waxaana si Rasmi u sheegayaa in Garoonku degmada uu furan yahay oo laga soo dagi karo maanta wixii ka danbeeya,” ayuu yiri Wasiirka Difaaca.

“Dhanka kale, Waxaa Xusid mudan in Ciidamada DF ee Gobolka Gedo ka Hawl-galayay aysan sanooyinkii u dambeeyay wax xuquuq iyo mushahar ka helin dawladooda, laakiinse sameeyay adkaysi iyo dhabar-adayg si au u gutaan Waajibkaan Qaran ee maanta guushiisa la mahadiyay,” ayuu mar kale yiri Wasiirka Gaashaandhigga Somalia.

Sidoo kale, Jen. Diini wuxuu ballan-qaadayaa in Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay heli doonaan Xuquuqaha ay leeyihiin Ciidamada Qaranka ee Qaybaha kala ee dalka ku sugan; sida mushaharka, saadka iyo Agabka Dagaalka.

Ugu dambeyn, Wafdiga uu Hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga Somalia ee maanta booqday degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, waxaa ka mid ahaa; Wasiir ku xigeenka dastuurka, C/llaahi Yuusuf Allenkey, Wasiir ku xigeenka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Axmed Daqare, Wasiir ku xigeenka Shaqada, Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada, Cismaan Libaax Ibrahim, xildhibaan Maxamuud Cali Magan, xildhibaan Bishaar Ugaas, xildhibaan Nuur Faarax Jaamac, Jen. Maxamed Xaashi oo ka mid ah Guddiga Isku-dhafka Ciidamada Xoogga Dalka iyo xubno kale.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!