Wasiirka Gudaha Somaliland; Dowlada federaalka waxay sameynaysaa ciidamo amaankeena carqaladeeya

by admin | Monday, May 4, 2015

Hargeysa: HN: – Maamulka Soomaaliland, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku dacweeyeen Dowladaha Ethiopia iyo Kenya, kadib markii Dowladda Soomaaliya ay saxiixday heshiis dhigaayo in Maamulka Puntland loo dhiso ciidamo gaaraya 3,000 oo Askari.

Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Soomaaliland Cali Maxamed Waran Cadde, ayaa sheegay in ciidanka Dowladda Soomaaliya ay u dhiseyso Maamulka Puntland ciidamadaas la doonaayo inay carqaladeeyaan amniga deeganada Maamulka Somaliland.

Wasiir Waran Cadde wuxuu sheegay in markii uu bur-buray wada hadalkii u dhaxeeyay Soomaaliland iyo Dowladda Soomaaliya aay Dowladda fderaalka Soomaaliya aay biloowday inay dhisto ciidamadaan.

Hadalka kasoo baxay Maamulka Soomaaliland ayaa ku soo aadaya xilli heshiiskii Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada ay ku kala saxiixdeen Garoowe qodob ka mid ah uu dhigaayo in Puntland loo tababaro ciidamo gaaraya 3,000 oo Askari

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!