Wasiirka ka tirsan Galmudug oo lagu weeraray Caabud-waaq

by admin | Tuesday, Sep 8, 2015

Caabud-waaq : HN :– Wararka  ka imanaya degmada Caabud-waaq ee gobolka Galguduud, ayaa sheegaya in xoogag ka tirsan Ahlu Sunna weerareen wasiirka ganacsiga iyo warshadaha maamulka Galmudug  C/qaadir C/llaahi Warsame.

Wararka ayaa sheegaya in wasiirka ay weerareen dagaalyahanno ka tirsan maamulka Ahlu Sunna ee Dagaal-Beeleed-300x225gobolada dhexe waaberigii saaka waxaana weerarkaas ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Goob joogayaal ayaa shegaya in ugu yaraan saddex ruux oo isugu jira kooxdii weerarka qaaday iyo ilaalada wasiirka ayaa waxaa soo gaaray dhimasho iyo dhaawac hase yeeshee Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha maamulka Galmudug ayaa ka badbaaday weerarka.

Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha maamulka Galmudug C/qaadir C/llaahi Warsame ayaa ku eedeeyay weerarka lagu qaaday in ay ka dambeeyeen ururka Ahlu Sunna lagana soo abaabulay weerarka magaalada Dhuusomareeb. Maamulka Ahlusunna ayaan illaa iyo hadda ka hadlin eedeeynta uu u soo jeediyay wasiirka ka tirsan maamulka Galmudug.

Khilaafka u dhexeeya maamulada Galmudug iyo Ahlu Sunna ee gobolada dhexe ayaa mararka qaarkood gaara gacan ka hadal waxana ciidamada Galmudug ay bishii aynu ka soo gudubnay xabsiga u taxaabeen Madaxweyne ku xigeenka maamulka Ahlu Sunna ay ugaga dhowaaqday magaalada Dhuusa-mareeb.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!