Wasiirka maaliyada oo walaac ka muujiyey mustaqbalka lacagta Shilinka Somaliga

by Yahye | Saturday, Nov 22, 2014

Muqdisho; HN;- Wasiirka Wasaarada Maaliyadda Soomaaliya Xuseen Cabdi Xalane oo la hadlay Warbaahinta ayaa qiray inuu meesha ka sii baxayo lacagta shilinka Soomaaliga, isagoona dhinaca kale sheegay in wasaaradiisu waddo dadaalo wax looga qabanayo.

Wasiirka ayaa sheegay in iminka dowladda Soomaaliya dhaqaale ahaan aysan awoodin inay soo daabacdo lacag cusub oo shilin Soomaali ah, balse wuxuu xusay inay dowladda Sudan ka sugayaan lacag shilin Soomaali ah oo ay ballan qaadday inay daabici doonto.

Waxa uu tilmaamay in Wasaarada Maaliyada oo uu hogaanka u hayo in arimahaasi ay wax badan ka qabaneyso isla markaasina ay soo celinayso Shillinka si Soomaaliya loogu isticmaalo.

Dhanka kale Xeer ilaaliyaha guud ee dowladda Soomaaliya, Dr Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in shilinkii dalka uu meesha ka baxayo kaddib markii uu suuqa si wayn u soo buux dhaafiyay doollarka Mareykanka.

Xeer ilaaliyaha ayaa ugu baaqay wasaaradda maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya inay u istaagto wax ka qabashada dhibaatada soo wajahday lacagta shilinka ah, isla markaana ay arrintaas iska kaashadaan wasaaradda iyo xukuumadda.

Suuqyada Dalka Soomaaliya ayaa waxaa hadda ka shaqeeya oo keliya lacagta kunka shilin, waxana meesha ka baxay lacagihii kale oo shilinka ahaa kaddib burburkii dowladdii dhexe, waxaana kunkaas shilinka lagu lamaaniyaa doollarka oo si weyn wax loogu kala iibsado.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!