Wasiirka qorsheynta” waxaan hadda ka fikireynaa nooca doorashada aynu qabaneyno 2016ka

by admin | Friday, Jul 31, 2015

Muqdisho : HN :– Wasiirka wasaarrada qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah C/raxmaan Yuusuf Cali Ceynta, ayaa sheegay in haddii aan la qaban karin doorasho cod iyo qof ah, micnaheedu aheyd in dalka doorasho ka dhici karin, isaga oo sheegay in laga fikirayo hadda qaab kale oo ka duwan doorashadii 2012 ee lagu dhisay dowladda hadda jirta.Cabdiraxmaan_Caynte_Muqdisho_660

“Sida wax loo dooranayo waxay kasoo bixi doontaa Wadatashiyo lala yeelanayo hay’adaha dastuuriga ah ee dalka iyo umamdda Soomaaliyeed. Haddii doorasho cod iyo qof ah ay dhici waydo micnaheedu ma ahan in aysan doorasho jirin,” ayuu yiri C/raxmaaan Ceynta oo u Warramahay Warbaahinta Muqdisho qaarkeed.

Dhinaca kale, Wasiirka Qorsheynta ayaa intaas ku daray in hadda daraasad lagu wado sida ay noqon karto doorashada dhici doonta, iyadoo ay jiraan Qaabab ku aaddan Doorashada dhici karta oo la eegayo midda ugu habboon ee ka dhici karta dalka.

Ugu dambeyn, Dowladda Somalia ayaa dhawaan waxay ku dhawaaqday in dalka aysan ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah Sanadka 2016-ka, xilligasoo ku eg xilliga shaqo ee Xukuumadda hadda shaqeynaysa.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!