Wasiirka warfaafinta oo sheegay in ku-simaha ra’iisal wasaaraha xaaladiisa wanaagsan tahay

by admin | Friday, Feb 20, 2015

Muqdisho : HN :– Max’ed Cabdi Xayir Maareeye oo ah wasiirrka wasaarrada warfaafinta xukuumada Soomaaliya ayaa sheegay in weerarkii maanta ka dhacay hotelka Central oo uu ahaa mid khasaare balllaaran geystay, hasse ahaatee waxaa uu sheegay ra’iisal wasare ku-xigeenka xukuumada Soomaaliya islamarkaana ah ku-simaha ra’iisal wasaaraha Max’ed Cumar Carte uu bad-qabo xaaladiisa wanaagsan tahay.

Hadalka wasiirka warfaafinta ayaa imanaya iyadoo warar soo baxaya sheegayeen in ra’iisal wasaare ku-xigeenka xukuumadaxayir Soomaaliya uu ka mid yahay dadka ku dhaawacmay weerarka, hasse ahaatee wasiirka warfaafinta laftirkiisa, si faah faahsan arrintaa ugama uusan hadlin inkastoo uu ku gaabsaday in xaalada ra’iisal wasaare ku-xigeenka tahay mid wanaagsan islamarkana uu bad-qabo.

Ilaa iyo hadda inta rasmi ahaa la xaqiijiyay waxaa weerarka ku dhintay xildhibaan Cumar Furdug, guddoomiye ku-xigeenkii arrimaha siyaasada maamulka gobolka Banaadir Caanno -galle iyo  Cabdishakuur Mire Aadan oo horay wasiir ku-xigeen uga soo noqday maamulka Puntland.

Waxaa ka mid ah mas’uuliyiinta weerarka ku dhaawacantay ee ilaa iyo hadda la og-yahay wasiirka duulista hawada dowladda Soomaaliya Axmed Jaamac Jangali, xildhibaan C/qaadir Cali Cumar oo horey u soo noqday  wasiirkii ammniga dowladda Shariif Sheekh Axmed iyo Siyaasiga Salaad Cali Jeelle oo la leeyahay waa uu dhaawacmay.

Wasiirrka wasaarrada ammniga Qaranka Cabdirisaaq Cumar Max’ed iyo saraakiil ka tirsan hay’addaha ammniga ayaa goobta gaaray waxaana soconaya baaritaan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!