Wasiirka warfaafinta oo xilkii si rasmi ah maanta ula wareegay

by admin | Wednesday, Feb 25, 2015

Muqdisho : HN :–Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa si rasmi ah ula wareegay xilka wasaarada iyadoo munaasabada xil wareejinta uu goobjoog ka ahaa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Cumar C/rashiid Cali.

Munaasabada xil wareejinta ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Wasiiru dowlaha wasaaradda Warfaafinta, Wasiiru dolwaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, Xafiisyada Hanti dhowka Qaranka iyo Xeer Ilaaliyaha, Xildhibaanno, agaasimeyaasha Waaxyaha Wasaaradda Warfaafinta iyo qaar ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda.

Agaasimaha Warbaahinta Qaranka C/raxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala ayaa munaasabada waxaa kaga waramaya waxqabadkiixil-warejin-7 wasaarada warfaafinta ee sanadkii la soo dhaafay.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Cabdullaahi Colaad Rooble wakiilna ka ahaa wasiirkii hore ee wasaaradda Mustafa Dhuxulow oo dalka dibadiisa ku maqan ayaa si rasmi ah ugu wareejiyay xilka wasaarada wasiirka cusub Maxamed Cabdi Maareeye.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa mar kii uu xilka la wareegay kaddib khubad jeeyey, isla markaana sameeyey ballan-qaadyo ku aaddan in uu si dardargelin doono howlaha qorshe ee wasaaradda u degsan sanadka 2015-ka, isla markaana la tayen doono dhammaan qeybaha Wasaaradda ay ka kooban tahay.

Ugu dambeyntii Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo munaasibadda uu xilka kula wareegay wasiirka Warfaafinta khubad dhinacyo badan ka jeediyey ayaa ammaan iyo boggaadin u soo jeediyey shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta isagoo ballan qaaday in ahmiyad weyn siin doonto wasaaradda si loo soo saaro door ka ay ku leedahay Hiigsiga 2016-ka ee Soomaaliya u degan.

Wasiirka Warfaafinta, Wasiir-dowlaha iyo Wasiir ku-xigeenka ayaa soo kormeeray waaxyaha ay wasaaradda ay ka koobantahay, iyagoo warbixino ka dhageystay mas’uuliyiinta Waaxda Warbaahinta Qaranka. Wasiirka cusub ee Wasaarada Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ayaa ah wasiirkii ugu dambeeyay ee la wareega xilka wasaaradaha xukuumada cusub ee uu ra’iisal wassaaraha ka yahay Cumar Cabdrashiid.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!