Wasiirkii arrimaha gudaha Kenya oo shaqadii laga eryay

by admin | Tuesday, Dec 2, 2014

Nairobi : HN :– Mdaxweynaha dalka kenya ayaa shaqadii ka eryay wasiirkii arrimaha dibada dalka Kenya Ole Lenku kaddib weerar kale oo ay Al-shabaab ka geysteen gudaha dalkaas kuna dilleen ilaa 36 ruux.

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa u magacaabay wasiirka cusub ee dalka Kenya Joseph Nkaissery oo ah Jeneral hore uga tirsanaa ciidamada Kenya ahna siyaasi mucaarad ah.

Dhinaca kale taliyihiin ciidamada booliiska ayaa is casillay isaga oo is casilaadiisa ku micneeyay David Kimaiyo in ay tahay mid.Olelenku

Cadaadis xoog leh ayaa ku imanayay labadan mas’uul maadaama xaalada ammaanka dalka Kenya ay sii xumaaneysay.

Weeraro xiriir ah ayaa sababay lagu dilo dad tiradoodu ku dhowdahay 80 ruux muddo ku siman labo toddobaad. Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ugu baaqay shacabka dalka Kenya inay midoobaan isla markaana meel ugaga soo horjeestaan weerarada lagu hayo.

Weerarada lagu soo qaaday dalka Kenay waa mid lagu soo qaaday Kenya iyo shacabka dalka Kenya. “Kan waa dagaal lagu soo qaaday Kenya iyo shacabka dalka Kenya,”ayuu yiri Mr Kenyatta isagoo ku hadlayay taleefishinka qaranka dalka Kenya.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!