Wasiirkii cadaalada maamul gobleedka Puntland oo iscasilay

by admin | Saturday, Jun 13, 2015

Garowe; HN; – Wasiirka Cadaalada dowladda Puntland Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa saaka ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii wasaradda, ka dib shir jaraa’id uu warbaahinta ugu qabtay xafiiskiisa.

Cismaaciil

Ismaaciil Maxamed Warsame

Ismaaciil Maxamed Warsame oo is-casiladiisa u sababeeyay in madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa isku maandhaafeen sii joogitaankiisa ayaa sidoo kale sheegay in mudo 8-bilood ah aysan si nadiif ah u helin xaquuqdii ay la haayeen.

Waxay kusoo aadaysaa Is-casilaada Ismaaciil xilli si weyn Puntland looga hadal hayo isku shaadhayn uu madaxwayne Gaas ku samayn doono gollihiisa wasiiradda, taasoo marar badan dib u dhacday.

Waxaa la hadal hayaa isku shadhayntani inay ku tagi karaan wasiiro ay ka mid yihiin kan waxbarashada Maaliyadda, Ganacsiga, dekadaha iyo Kalluumaysiga.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!