Wasiirkii hore ee arrimaha dibada oo ku guuleystay xildhibaannimada baarlamaanka cusub

by wadani | Tuesday, Dec 6, 2016

Muqdisho : HN : – Doorashada xubnaha aqalka hoose ee gobollada W/qooyi oo ka socta ayaa kursigii labaad waxaa ku guuleystay wasiirkii hore ee arrimaha dibada Dr C/raxmaan Ducaalle Beyllle

Doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Gobollada Wqqooyi ayaa saakay ka billaabay Muqdisho, iyadoo Kursigii ugu horreeyay uu ku Guuleystay RW ku xigeenka Soomaaliya, Maxamed Cumar Carte.

Sidoo kale, C/raxmaan Beyle oo la Tartamayay C/llaahi Xaashi Abiib ayaa ku guuleystay 48-cod, halka Abiib uu helay laba cod oo keliya, iyadoo codna uu xumaaday, sida ay ku dhawaaqeen guddiga Doorahada.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Sannadkaan oo Goob-joog ka ahaa Doorashada ayaa ku dhawaaqay Natiijada, isagoo caddeeyay in C/raxmaan Beyle uu ku soo baxay kursiga Aqalka Hoose ee Waqooyiga dalka Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Boorama ee Gobolka Awdal.

Beyle, ayaa horay u soo noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumaddii uu horkacayay C/wali Sheekh Axmed, wuxuuna Dhawaanahaan ahaa Madaxa Mashaariicda ee Bankiga Horumarinta Afrika ee Xaruntiisa tahay dalka Ivory Coast.

Ugu dambeyntii, Weli waxaa Muqdisho ka socota Doorashada Xubnaha Aqalka Hoose ee beelaha Waqooyiga Soomaaliya, iyadoo ay ku tartamayaan xubno kasoo jeeda Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!