Wasiirkii hore ee batroolka Nigeria oo lagu xirray magaalada London

by admin | Saturday, Oct 3, 2015

Lodon : HN :–Wasiiraddii hore ee Batroolka Nigeria Alison-Madueke ayaa lagu xiray magaalada London ee dalka Ingiriiska, iyadoo xarigan loo sababeeyay arrimo musuq maasuq ah oo hey’ad caalami ah oo la dagaalanta musuq maasuqa ku soo eedeysay.

Waxaa ay siddoo kale sheegtay hay’adda in ilaa shan ruux oo loo heysto arrimo musuq maasuq lagu xiray meelo kala duwan oo London ku yaalla, waxaana lagu heystaa laaluush iyo dambiyo la xiriira lacago la la’yahay.Wasiiraddii_Shidaalka_Nigeria_oo_la_Xiray_660

Waxaana shanta ruux ee eedeymaha musuq-maasuqa loo heysto ka mid ah wasiiraddii hore ee Batroolka Nigeria haweeneyda lagu magacaabo Alison-Madueke.

Alison-Madueke ayaa muddo shan sano aheyd Wasiirkii Batroolka Nigeria, xilligii uu Madaxweyne ahaa Goodluck Jonathan, waxaana la sheegaa in musuq maasuq badan uu ragaadiyay Hey’adda ugu sareysa Batroolka Nigeria.

Nigeria ayaa dhaqaalaha ugu badan ka soo gala dhoofinta batroolka, waxaana dhowaan Madaxweynaha Nigeria Mohammadu Buhari uu sheegay inuu maamuli doono Wasaaradda Batroolka, kadib markii uu cid ku aamini waayay howsha wasaaradaas, isla markaana ay soo korortay musuq maasuqa ka jira.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!