Wasiirkii hore ee difaaca oo ku baaqay in CCTV Kamira lagu xiro jidadka Muqdisho

by admin | Friday, Mar 13, 2015

Washington : HN :–C/xakiin Max’uud Fiqi wasiirrkii hore ee difaaca xukuumadii Farmajo ayaa ugu baaqay Madaxda dowladda inay la xisaabtamaan saraakiisha ammaanka, si looga hortago weerarada, loona xaqiijiyo Amniga.

Isaga oo la hadllayay Idaacada VOA ayuu sheegay in loo baahan yahay in xil weyn la iska saaro amniga Caasimada, isla markaana uu jiro la xisaabtan dhab ah.

“Waxaa Madaxda sare looga baahan yahay inay la xisaabtamaan saraakiisha amniga qaabilsan, mar kastana la muujiyo feejignaan sicopyright_aabadoluajansi_2013_20130209090054 weerarada qorsheysan ee Muqdisho ka dhacaya looga hortago”ayuu yiri C/xakiin Fiqi oo labo jeer oo hore soo qabtay xilka Wasaaradda Gaashaandhiga.

Sidoo kale waxaa uu xusay in aan ammaanka Muqdisho la xaqiijin karin ilaa la ogaado halka ay wax ka qaldan yihiin sida uu yiri.

C/xakiin Fiqi ayaa soo jeediyay in wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho lagu xiro kaamirooyinka qarsoon ee CCTV loo yaqaano.

“Waxaa iyana muhiim ah in wadooyinka muhiimka ee magaalada Muqdisho lagu xiro kaamirooyinka qarsoon ee CCTV, waxay ka qeyb qaadan karaan xaqiijinta amniga iyo in la tixraaco marka ay wax dhacaan”ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Ilaa 11 Sarkaal oo ka tirsan Laamaha Amniga dowladda ayaa todobaadkii hore loo xiray weerarkii lagu qaaday Hotelka SYL 22-kii bishii Janaayo.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!