Wasiirkii hore ee gaashaandhiga oo loo magacaabay taliyaha ciidammada booliiska Soomaaliya

by admin | Thursday, Apr 30, 2015

Muqdisho : HN :–Shirka gollaha wasiirrada xukuumada Soomaaliya maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa taliyeyaal cusub loogu kala magacaabay ciidamada booliiska iyo Asluubta Soomaaliya.

Taliyaha Booliiska Somalia ayaa waxaa loo magacabaay wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Soomaaliya, Jen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, iyadoo taliyaha cusub ee ciidamada Asluubta Somalia isla loo magacabaay, Jen. Jen. Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) oo noqday taliyihii hore ee nabadsugidda Somalia.

Jen. Xaamud ayaa xilka kala wareegi doona taliyihii KMG-ka ahaa ee Booliiska Soomaaliya Jen. Cismaan Gas-Gas oo xilkaas loo dhiibay Taliyeyaasha_Booliiska_&_AsluubtaSomaliamarkii uu si lama filaan ah ugu Geeriyooday Muqdisho sanadkii hore ee 2014 taliyihii hore ee booliiska Somalia Jen. Maxamed Faarax Ismaaciil .

Sidoo kale, magacaabida taliyeyaasha booliiska iyo Asluubta Somalia ayaa ku soo aadaysa iyadoo la hadal-hayo in isbedello guud lagu sameyn doono taliyeyaasha ciidamada guud ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxaa kaloo shirka golaha wasiirrada looga hadlay arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin amniga dalka, waxaana lagu dhageystay warbixinno ay ka soo jeediyeen shirka wasiirrada arrimaha gudaha iyo federaalka iyo xubno ka tirsan golaha wasiirrada oo safarro ku tagay gobollo dalka ka tirsan.

Ugu dambeyn, kulankan ayay wasaaradda cadaaladdu hor-keentay sharci ku saabsan habka loola dhaqmayo dhallinyarada ka tirsan Al-shabaab ee soo goosanaya.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!