Wasiirkii Kuluumeysiga iyo kheyraadka badda oo Muqdisho lagu aasay

by admin | Friday, Jan 16, 2015

Muqdisho : HN :–Waxaa maanta alle ha u naxariisteen lagu aasay Qabuuraha Iskuul Boliisiyo Wasiirkii Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Xukuumadii Ra’iisul wasaare C/wali Sheekh Axmed, kaasoo saakay ku geeriyooday magaalada Muqdisho, kadib xanuun beryahan uu la jiifay.

Salaada Janaasanada Marxuum Maxamuud Colow Barrow ayaa ka dhacday Masaajidka Madaxtooyada, halkaasoo uu kala qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari, wasiiro, xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale.

Aaska Marxuumkan oo sii hayay xilka Wasiirkii Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ayaa waxaa aaskiisa ka qeyb galayDSC03204 Kuxigeenkii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadii C/wali Sheekh Axmed Ridwaan Xirsi Maxamed, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi, Wasiiradii Xukuumadii hore, Xildhibaano iyo dadweyne kale.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo tacsi u direy dhamaan ehelada, Asxaabta iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed geeriyada ku timid Mudane Maxamuud Colow Barrow Wasiirkii hore ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda.

Sidoo kale Mas’uuliyiintii goobta aas ka dhacayay ka hadashay ayaa ka tacsiyeeyay geerida Wasiirki hore ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda Alaha u naxriistee Maxamuud Colow Barrow.

Allaha u naxariistee Maxamuud Colow Barrow ayaa ku dhashay magaalada Jowhar, isagoo wax ku bartay, aabihii ayaa ahaa Nabadoon si weyn looga yaqaanay Jowhar iyo Shabeellaha Dhexe.

Marxuumka ayaa soo noqday Agaasimihii Wasaaradda Kallumeysiga ee dowladdii Siyaad Barre, sidoo kale waxaa uu horay dowladihii KMG safiir ka soo noqday dalal ku yaal Aasiya.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!