Wasiirkii waxbarashada Soomaaliland oo is casilay

by admin | Tuesday, Oct 27, 2015

Hargeysa  : HN :–Wasiirkii wasaarrada waxbarashada Soomaaliland Prof. Faarax Cilmi Maxamuud Geedoolle, ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyay in uu xilkii iska casilay.

“Waxaaan cadeynaya in aan xilkii iska-casilay wasaaraddii waxbarashada iyo tacliinta sare, waxaana u mahad naqayaa madaxweynaha oo shanti sanadood la soo shaqeeyey, waxaana doonayaa inaan u madax banaanaado hankayga siyaasiga ah ee ah inaan u taramo jagadda madaxnimada ee xisbiga kulmiye,” ayuu yidhi Prof Geedoole oo ka hadlayey xilka uu ka tagay.

20151027635815498648410442Prof_Geedoole_Somaliland_660Wasiirka ayaa ku biiray tiro wasiiro ah oo maalintii shalay iska casillay xilkii ay ka hayeen Soomaaliland,waxaana wasiiradaa ka mid ahaa kuwii ugu miisaanka cuslaa maamulka Siilaanyo sidda wasiirkii arrimaha dibada iyo madaxootayada.

Dhinaca kale, madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa isna goor dhowayd wasiirka cadaaladda & garsoorka u magacaabay Axmed Faarax Cadde oo horay u ahaan wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha iyo maamulka dawladaha hoose.

Hiiraan Net./

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!