Wasiiro ka tirsan xukuumada Soomaliya oo xilalka laga qaaday iyo kuwa kale oo la magacaabay

by admin | Monday, Nov 23, 2015

Muqdisho : HN :–Wareegto goor dhaw oo caawa ah ka soo baxday xafiiska ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke  ayaa sheegay in ra’iisal wasaare Sharma’arke xilalka ka qaaday labo wasiir, iyadoo xilalkooda ku bedelay labo kale.

Ra’iisal wasaaraha ayaa wasiirka wasaarrada  Ganacsiga iyo Warshadaha C/llaahi Maxamed Axmed, halka Wasiirkii xilkaas hayay C/raxmaan Cabdi Cusmaan xilka laga qaaday.

Sharma'arkekkeSidoo kale waxaa Wasiirka Korontada iyo Biyaha loo magacaabay Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo horay u ahaa Safiirkii dowladda Soomaaliya u fadhiyay dalka Turkiga, waxaana xilka wasaarradaas horay u hayay Maxamed Xasan Aadan Shaahiyow.

Isku shaandheynta Golaha Wasiirada ayaa wali socota, iyadoo saacadaha soo socda laga yaabo in wasiiro dhowr ah ay saameyso isku shaandheynta bilowga ah ee hada socota.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!