Wasiirrada arrimaha gudaha iyo maaliyada oo baarlamaanka looga yeeray

by admin | Tuesday, Dec 2, 2014

Muqdisho : HN :– Kaddib fadhigii maanta u qabsoomay mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya oo ku soo dhamaaday jawi wanaagsan, ayaa guddoomiye Jawaari oo soo xirray kulanka, waxaa uu dhinaca kale sheegay in maalinta beri oo Arbaco ah dib kulanka leysugu soo noqonayo, islamarkaana ay horiman doonan fadhiga wasiirka maaliyada Xusseen Cabdi Xalane iyo wasiirrka arrimaha gudaha C/llaahi Goodax Barre.

“Maalinta berri ah waxaa baarlamaanka horimaanaya wasiirrada maaliyadda iyo arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya si ay uga jawaabaan su’aalo la xiriira sharciga guddiga xuduudaha iyo federaalka iyo miisaaniyadda 2015-ka ay ku shaqeyn doonto dowladda,” ayuu yiri Jawaari oo xiritaankii kulanka ka hadlayay.

Sidoo kale, afhayeenka baarlamaanka ayaa sheegay in maalinta Khamiista ah ee xigta laga doodi doono mooshinka laga keenay ra’iisulGuddoomiyaha_Baarlamaanka_Somalia_Pro-Jawaari wasaaraha Somalia iyo xukuumadiisa, isagoo xusay in labada gellinba la shaqeyn doono.

“Mooshinka xukuumadda laga keenay nooma dhaafayo maalinta Sabtida ah ee soo socota. Maalinta Khamiista ah waxaa la gudo-galayaa in mooshinka laga doodo, labada gellinba waa la shaqeynayaa. Maalinta Sabtida ahna waa loo codeyn doonaa, mana doonayno in mooshinka nagu dhaafo Sabtida,” ayuu Jawaari hadalkiisa ku daray.

Dhanka kale, afhayeenka baarlamaanka ayaa ku bogaadiyay xildhibaannada baarlamaanka sida wanaagsan ee ay kulankii maanta degenaanta dheeriga ah u muujiyeen, isagoo xusay in looga baahan yahay inay ka digtoonaadaan xildhibaannada inay buuq iyo saxawan ka sameeyaan dhismaha baarlamaanka inta shirarku socdaan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!