Wasiirrada gaashaadhiga oo sheegtay in la abuurayo warshad sameysa dharka ciidammada

by admin | Saturday, Aug 8, 2015

Muqdisho : HN :– Wasiirka wasaarrada gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya Jen C/qaadir Sheekh Cali Diini oo ka hadllayay mashaakilka ka heysta wasaarrada xameynta dareyska ciidammada ayaa sheegay in dhawaan la sameynayo warshad gaar ah oo sameysan dareyska ciidammada.

Wasiirka ayaa intaa ku darray in warshadan ay soo saari doonto dharka ay xiran doonaan ciidamada xoogga dalka ee Tuutaha loo yaqaano, si looga maarmo dareysyada kala duwan ee dibada laga keeno;

“Waxaa sidda ugu dhaqsiyaha badan u hirgelin doonaa Warshad sameysa dharka tuutaha Ciidamada, taasoo ka haqabtiri doontaWasiirka-gaashandhigga-620x264 Ciidanka xooga dalka dharka uu u baahan yahay, waxaa sidoo kale ay haqab tiri doontaa dareyska ay u baahan yihiin ciidamada nabadsugida, booliska iyo Asluubta”ayuu yiri Jen. Diini.

Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa sheegay in muddo dheer ay u baahnaayeen dharka meel ay ka helaan, wixii hadda ka dambeeyana ay rajeynayaan in dareyska uu noqdo mid ciidamada u gaar ah oo dalka gudihiisa lagu sameyn doono sida uu yiri.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in meel wanaagsan uu marayo dib u dhiska ciidamada, isagoo tilmaamay in dowladdo ay ka mid yihiin Mareykanka, Turkiga iyo Imaaraadka Carabta ay kala shaqeynayaan dib u yagleelida Ciidamada.

Ugu danbeyntii wasiirka ayaa sheegay in la xalin doono cabashooyinka dhinaca mushaarka ee ciidamada, isagoo xusay in dhowana si joogto ah ciidamada u heli doonaan mushaaraadkooda, isla markaana laga baxo arrimaha hada jira, waxaana uu ugu baaqay Ciidamada inay u dulqaataan dhibaatooyinka yar yar.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!