Wasiirrka A-gudaha oo lagu wareejiyay gargaar ka yimid hay’adda bisha cas ee Turkiga

by admin | Tuesday, Sep 30, 2014

Muqdisho : HN :–Ururka Bisha Cas ee dalka Turkiga ayaa maanta ku wareejisay wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya, C/llaahi Goodax Barre deeq ka timid dowladda Turkiga, taasoo loogu talo-galay in shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen lagu caawiyo.

Deeqdan oo gaaraysa 10,000 oo metric ton oo cunno ah isuguna jirta bariis, baasto iyo bur, iyadoo xafladda wareejinta deeqdan laga sheegay in la geyn doono gobollada ay abaaruhu ku dhufteen ee Soomaaliya, si loogu qaybiyo dadka ay saameeyeen abaarahan oo ah kuwo aad u daran.

Madaxa wafdiga hay’adda Bisha Cas ee Turkiga, Mustaf Yilmaz ayaa sheegay in deeqdan ay qayb ka tahay qorshaha Turkigu ku dooneysoGoodax inay ku caawiso bulshada Soomaaliyeed, isagoo intaa ku daray in tani ay ka turjumeyso sida ay uga go’an tahay walaalaha Turkiga inay caawiyaan shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Somalia C/llaahi Goodax oo isgauna la hadlay warbaahinta ayaa uga mahadceliyay dowladda Turkiga deeqdaan ay soo gaarsiisay shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna xusay in lagu soo beegay xilli aad loogu baahan yahay.

“Turkiga waxaan ka rajeynaynaa in kaalmo middan oo kale ah ay shaacabka Soomaaliyeed mar kale ku caawiyaan,” ayuu hadalkiisa ku daray wasiirka oo sheegay in gargaarkan la gaarsiin doono gobollada ay abaaraha darani ku dhufteen.

Ugu dambeyn, wasiirku ayaa sheegay in caalamka ay u dirayaan baaq kan la mid ah, isagoo xusay in abaaraha ka taagan gobollada dalka ay yihiin kuwo si aad ah u saameeyay dadka gobolladaas ku nool.

Deeqdan ayaa timid xilli ay abaaraha ka taagan gobollada dalka aad u sii xoogeysanayaan, iyadoo gobollada qaarkood ay dad isugu jira carruur iyo waayeen ugu dhinteen baahi iyo harraad.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!