Wasiirrka arrimaha dibada oo ku sugan dalka Talyaaniga kana qeyb-galaya looga hadllayo tahriibka

by admin | Saturday, Nov 29, 2014

Roma : HN :– Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh oo booqasho ku jooga maalintii labaad Magaalada Rome ee Caasimadda Italy , halkaasi oo uu kaga qeyb galayo Shir looga hadlayo tahriibka iyo socdaalka sharci darada ah oo Midowga Yurub uu qaban-qaabiyay ayaa waxa uu kulamo kala gaar gaar ah la kala yeeshay Wasiirada Arrimaha Dibadda wadamada Italy iyo Germany .

Wasiir Dr. Abdirahman D. Beileh , ayaa la kulmay Wasiirada Arrimaha Dibadda Talyaaniga H.E. Paolo Gentiloni iyo Germany H.E. Frank-Walter Steinmeier oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga dhinacyada badan leh ee Soomaaliya kalaBeyromo dhaxeeya .

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa kala hadlay wasiiradaasi kordhinta deeqaha horumarinta ah iyo tababaridda ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya.

Wasiir Beileh ayaa la qorsheynayaa mudada uu joogo Magaalada Rome inuu la kulmo mas’uuliyiin kala duwan oo uu kala hadli doono arrimo la xiriira Soomaaliya .

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!