Wasiirrka arrimaha dibada” saameyn kuma laha shirka Copenhagen khilaafka madaxda sare

by admin | Wednesday, Nov 12, 2014

Jidah : HN :– Wasiirrka wasaarrada arrimaha dibada xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle oo ku sugan dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa sheegay in shirka todobaadka soo socda ka dhici doona magaalada Copenhagen ee dalka Denmark uusan saameyn ku yeelan doonin khilaafka madaxda dowladda.

Wasiirrka ayaa sheegay in shirkaas la tagi doono iyadoo la isku duuban yahay, waxaana uu meesha ka saaray in shirkaas uu saameynayo khilaafka xilligan u dhaxeeya madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

“Shirka Copenhagen wax saameyn ah kuma yeelanayo khilaafka madaxda dowladda, Soomaaliya waa hal qaran oo leh hal calan, iyadoobyl la isku duuban yahay ayaa shirkaas la tagayaa”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay inuu u joogo Sacuudi Carabiya sidii balan qaadyadii dhaqaale ee ay Ururka Iskaashiga Carabta iyo dowladdaa kale ay uga heli lahaayeen dhaqaalihii ay ugu yabooheen Soomaaliya.

Mareykanka ayaa sheegay in aanu wax wafdi ah u diri doonin shirka Copenhagen ee looga hadlayo arrimaha Hiigsiga cusub, iyadoo sababaha Mareykanka uga baaqsaday ka qeyb galka shirkaas ku tilmaamay khilaafka u dhaxeeya madaxda dowladda.

Shirka Copenhagen ayaa la filayaa in todobaadka soo socda inuu furmo, iyadoo ay ka qeyb geli doonaan dowladda Soomaaliya, Maamulada dalka ka jira, Beesha Caalamka, waxaana shirkaas qaadacday Somaliland oo sheegtay in aanu quseyn.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!