Wasiirrka arrimaha dibada Soomaaliya oo la kulmay dhigiisa dalka Yaman

by admin | Tuesday, Nov 25, 2014

Sanca : HN :– Wasiirka arimaha dibada Somalia Dr C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa kulan magaalada Sanca ee dalka Yemen kula qaatay dhigiisa dalka Yemen xili xalay uu gaaray dalkaasi Yemen oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Labada mas’uul ayaa waxa ay ka wada hadleen arrimo kale duwan oo quseeya Soomaaliya iyo xoojinta xiriirka labada dalka, waxaana ay isla garteen in la sii dar dargaliyo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Yemen.

Kulanka waxyaabihii ka soo baxaya waxaa saxaafada u sharxay Qunsulka Soomaaliya u fadhiya Cadan Axmed Suudaani, isagoo sheegay inBeyleybayel wax badan ay ka wada hadleen labada Wasiir oo ay ugu horeyso xiriirka labada Wasaaradood Ee Soomaaliya iyo Yemen, iyo in la sii kordhiyo deeqaha waxbarasho ee Dowladda Yemen ay siiso Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Wasiirka arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa ugu mahadceliyay Dowladda Yemen sida ay u caawineyso Dadka Soomaaliyeed gaar ahaan sida ay u qiimeyneyso Dadka Soomaaliyeed ee ku sugan Dalkaasi, kuwaa oo si xornimo leh u jooga dalkaasi.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!