Wasiirrka arrimaha dibada Soomaaliya oo shir uga qeyb-gallaya Addis Ababa

by admin | Sunday, Oct 26, 2014

Muqdisho : HN :– Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya ayaa maanta u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya,halkas oo ay uga qayb-galayaan shir ka furmaya.

Waxaa hoggaaminaya wafdiga ka socda dowladda Soomaaliya,wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle.

Wasiirka oo saxaafadda kula hadlay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ka hor inta uusan ka ambabaxin Muqdisho ayaa sheegay in magaalada Addis Ababa uu uga qeybgalayo shir ay wasiirrada arrimaha dibadda ee wadamada IGAD halkaasi ku yeelandoonaa.

Arrimaha looga hadlayo shirka waxaa uu ku sheegay wasiirku inay ugu weyntahay horumarinta wadamada iyo xoojinta xiriirkoodaba,648x432x735.jpg.pagespeed.ic.xh2IZIuSGb isagoo hoosta ka xariiqay in shirkaasi ah uu ahmiyad gaar ah u leeyahay dalkeena Soomaaliya.

“Maanta waxaan safar shaqo ugu ambabaxay magaalada Addis Ababa oo aan kaga qeybgalayo shirka wasiirada arrimaha dibadda IGAD oo looga hadli doona horumarinta”ayuu yiri wasiir Beyle oo saxaafadda la hadlay.

Ugu dambeyn,Beyle ayaa sheegay inuu shirar gaar gaar ah la qaadan doona wasiirrada arrimaha dibadda IGAD kuwaas oo u sheegay inuu kala hadlayo arrimo la xiriira iskaashiga Soomaaliya.

 Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!